Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo galabnimadii maanta ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Shaneemo Soomaali, halkaasi oo ay ku taallo Maqaaxi lagu magacaabo Italian Coffee.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu marayay wadada waxaana si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo ay jiraan bur bur xoogan oo soo gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida ay sheegeen Hay’addaha ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qof ka badbaaday Qaraxa oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay xilligauu Qaraxa dhacayay in halkaasi ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan, ayna ku waxyeeloobeen dad badan.
Gaadiidka Gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay xireen wadada, iyaga oo dadka u diidayay goobta uu Qaraxa ka dhacay.




