Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas.
Madaxweynaha ayaa dhageystay tabashooyinkii iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso waxyaabaha ay tabanayaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.
Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.
Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada qalabka sida waxay kusoo shaqeeyeen mushaar la’aan iyo daryeel la’aan haysata naftooda iyo tan qoysaskooda. Iyada oo ay waxyaabahaasi jiraan ayay haddana hortaagnaayeen, walina hortaaganyihiin Al Shabaab.”
Safarka Madaxweynaha uu ku tagay degamada Afgooye waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Axmed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaannadaas iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.




