Gaalkacyo-RisaalaFM- Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa goor dhow Qarax lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli uu watay Gaarigiisa.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan Qarax loogu xiray Gaarigiisa isaga oo ka soo baxay Hotel Clasic ee magaalada Galkacyo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan dhaawaca soo gaaray uu yahay mid aad u culus iyadoo loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.
Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa weerarkan waxa ay ku eedeeyeen Shabaab.
Xildhibaan Bootaan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ee ka soo gala dhinaca gobolka Mudug, ayaa ku jira Guddiga nabad-galyada ee loo xil-saaray Gobolkaas.


