Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax caawa ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Maka Al-mukarama oo ku yaalla wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa waxa uu aha mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, kaasi oo si weyn looga maqlay hareeraha goobta uu ka dhacay.
Sarkaalka Gaarigiisa Qaraxa loogu xiray ayaa waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Dinix, waxaana soo gaaray dhaawac, iyada oo sidoo kale uu bur bur soo gaaray Gaarigii uu watay.
Sarkaalka dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqidsho, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.
Goobjooge ayaa warbaahinta Risaala u sheegay Qaraxa in uu dhacay Salaadii Maqrib kadib, xilligaasi oo wadada Maka Al-mukarama ay aheyd mid aad u mashquul badan.
Sidoo kale Goobjoogahan ayaa inoo sheegay Qaraxa kadib in ay goobta soo gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa NISA, halkaasi oo in mudo ah ay ka sameeyeen baaritaano, kadibna ka dhaqaaqay.
5-tii bishan ayay aheyd markii C/kariin Sheekh Maxamed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Horseed uu ku dhaawacmay Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray, kaasi oo dhacay wadada Taleex ee Muqdisho.


