DHAGEYSO: Qoyska Marxuum Siraaji oo baaq u diray DF

Kenya-RisaalaFM- Qoyska Marxuum Cabaas C/laahi Siraaji Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen dilka wiilkooda iyo xaalada ay hada ku sugan yihiin.

Maryan C/laahi Siraaji waxa ay halsano ka weyn tahay Marxuum Siraaji, waxa ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka sugayaan in cadaalada ay horkeento raggii dilay walaalkeeda.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Cabaas in uu ku soo koray Qaxootinimo, sidoo kalena lagu soo wax baray dhibaato iyo rafaad, ayna arrintan ku reebtay murugo.

Ciidamo ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka oo xilka laga qaaday ayaa 3-dii Bishan waxa ay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Afaafka hore ee Madaxtooyada ku toogteen Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Cabaas Siraaji.