DHAGEYSO: K/Galbeed oo fureysa wadooyinka xiran

Baay-RisaalaFM- Maamulka Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabayaan qorshe go’doonka looga qaadayao Degmooyinka Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe lagu farayo wadooyinka ay xireen Shabaab, ee Degaanada Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Taliyeyaasha Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa Ciidanka Dowladda Federaalka in uu kala hadlayo sidii loo furi lahaa wadooyinka, ammaankana loo sugi lahaa.

Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed.