Sh/Dhexe-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 5 ruux ku dilay howlgal Isbaaro qaadis ah oo laga sameeyay Degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dilkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka ay weerar balaaran xalay saqdii dhexe ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, halkaasi oo lagu qaadi jiray lacag sharci daro.
Dad Degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in labada dhinac uu dhexmaray Dagaal kooban, kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Degaanada Hirshabeelle C/raxmaan Cali Deerey.


