Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Kilwe.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay caawa Magaalada Gaalkacyo ku dhaawaceen C/raxmaan Kilwe Guddoomiyihii Maxkamadda Degmada Gaalkacyo.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Rasaas ku furtay C/raxmaan Kilwe, xilli uu ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn Gurigiisa, kadib waxaa baxsatay Dableydii weerarka soo qaaday, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.
Guddoomiyaha ayaa dhaawaciisa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalaga Gaalkacyo, si xaaladiisa caafimaad halkaasi loogu dabiibo.
Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta lagu dhaawacay Guddoomiyaha, waxaan ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.


