DHAGEYSO: Jubbaland “Waan diyaarinay Ciidamadii Shabaab ka saari lahaa J/Dhexe”

Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in la dhameystiray Ciidamadaii ururka Al-shabaab ka saari lahaa Gobolka Jubbada Dhexe, maadaama hada ay maamulaan Gobolkaasi Shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay diyaariyeen Ciidamadii ururka Al-shabaab ka saari lahaa Gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa uu sheegay Wasiirka Ciidamadan loo qorsheeyay in ay Shabaab ka saraan Gobolka Jubbada Dhexe in lagu diyaariyay Degmooyinka Ceelwaaq iyo Beledxaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa gacanta ku haya guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana Maamulka Jubbaland uu wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee uu Shabaab kaga saari lahaa Gobolkaasi iyo Degaanada kale.