Waqtiga Dib Loo Furayo Horyaalka Kubadda Cagta Somaliya Oo la Shaaciyay

Horyaalka kubada cagta soomaaliya ayaa muddo kooban hakad galay iyadoona dib loo bilaabayo ciyaaristiisa

Sababaha hakada loo geliyay Horyaalka Soomaliya ayaa aheyd ka qeyb galkii xulka qaranka Soomaliya uu ka qeyb galay is reeb reebka chan 2017,xili labada kulan uu guul daro kala kulmay xulka dunida ugu yar ee South Sudan.

Kaliya Bisha May waxaa horyaalka la ciyaari doonaa 13-kulan oo ka tirsan fasal ciyaareedkaan waxaana kulanka 61-aad xagaagan Isniinta soo aadan wada ciyaaridoono kooxaha kubbadda cagta Heegan iyo Dekedda.

Dhinaca kale waxaa is badal lagu sameeyay hab ciyaareedkii horyaalka ee ahaa in Isniin-jimco ee lagu ciyaari jiray garoomada dalka sida Banaadir Stadium iyo Jaamacadaha Stadium,balse hada waxaa la ciyaari doonaa kaliya hal kullan maal maha isniinta ilaa jimcaha waxaana inta ka harsan horyaalka lagu ciyaari dnoonaa masraxa Banaadir Stadium ee degmada Cabdi casiis.

Si kastaba 10-koox ee ka qeyb galaysa horyaalka Soomaliya ayaa waxaa u harsan min 6-kulan,iyadoo loo-lanka u adag uu ka dheexayo fooqa sare ee horyaalka waxaana isku haysta kooxaha Dekedd,Elman,Banaadir SC Horseed iyo Heegan waxaana hadda horyaalka min 25-dhibcood ku Hogaaminaya kooxaha Dekedda iyo Elman.

 

elman