Mucaaradka madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro ayaa jidgooyooyin dhigay isla markaana sameeyay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan doorashooyin xilli xasaradaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalkaasi ay sii xoogeysanayaan.
Waxay iska diideen baaqii madaxweynaha ee ku aaddanaa dastuur cusub si loo soo afjaro qalalaasaha oo 28 qof ay ku dhinteen.
Maduro ayaa sheegay in tallaabadiisa ay lagama maarmaan u ahayd iska caabbinta qorshe uu shisheeyuhu dabada ka riixayo oo isaga ka dhan ah.
Mareykanka ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in lagu dheggenaado xukunka, halka Brazil ay ugu yeertay “afgembin”.
Mucaaradka madaxweynaha ayaa doonaya in codbixin la sameeyo si meesha looga saaro, iyagoo ku eedeynaya madaxweynaha garabka-bidix inuu sabab u yahay cunto-yaraanta sababtay qalalaasaha.



