Afar Ka Mid Ah Xidigaha Dhaawaca Kaga Maqnaa Manchester United Oo Tababarka Kusoo Laabtay

Manchester United ayaa dib u heshay afar ka mid ah xidigahii dhaawacyada kaga maqnaa iyagoo kasoo muuqday tababarka ay kooxda ugu diyaar garoobeyso kulanka lugta hore wareega Semi Finalka tatanka UEFA Europa League.

Eric Bailly, Paul Pogba, Phil Jones iyo Cris Smalling ayaa ka qeyb qaatay tababarkii ugu dambeeyay oo ay kooxda ugu diyaar garoobeyso kulanka ay martida u noqon doonaan kooxda reer Spain ee Celta Vigo.

Mourinho ayaa booqan doona waqooyiga Spain, waana mid ka mid ah kulamadiisa ugu muhiimsan ee xilli ciyaareedkaan madama isha ugu weyn ee ay kooxdiisa Champions League kaga soo qeyb gali karto tahay iney ku guuleysato tartanka labaad ee ugu weyn yurub.

Ka hor xaaladaan, Jose wuxuu ku sugnaa walaac aad u weyn madama uu kaliya Daley Blind u bad qabay marka la eego dhamaan daafacyada kale ee dhexe, balse haatan wuxuu dib u helay Jones, Smalling iyo Bailly.