Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jira ayaa waxa uu si diiran ugu hambalyeeyay, islamarkaana uu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), kaasi oo maata lagu doortay Magaalada Cadaado.
Sidoo kale Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bogaadiyay Golaha Sharci-dejinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee xaqiijiyay in ay dhacdo Doorasho xalaal ah, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub.
Jubbaland ayaa sidoo kale shacabka Galmudug waxa ay ugu baaqday in ay garab istaagaan, islamarkaana ku taageeraan Madaxweynaha cusub gudashada xilka iyo waajibaadka culus ee uu maanta qaaday.



