Walaalka Lionel Messi Oo Ku Lug Yeeshay Dhac Loo Geystay Bangi

Sida laga soo xigtay wargeysyada, walaalka ka weyn Lionel Messi Matias ayaa lagu xiray dalka Argentina kadib markii lagu helay hubka sharci-darra ah.

Matias ayaa lagu xiray isbitaal ku yaala magaalada Rosario, halkaasoo loo geeyay dhaawac kasoo gaaray shir dooni, laakiin Boliiska aya ka helay goobta shilku ka dhacay hub sharci darro ah.

35-jirkan ayaa la sheegay in uu jaray wejigiisa ka dib markii uu kusoo dhacay bangiga ku yaala Panama, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Rosario Carlos Parque Sanitarium.

Wuxuu qalliin ka maray wajiga iyo sanka, waxaa sidookale jiray dhaawacyo kale oo soo wajahday ka hor inta uusan imaan isbitaalka ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha isbitaalka Rosario.

Si kastaba ha ahaatee Boliisku wuxuu baarayaa dhacdada kadib markii ay ka heleen bistoolad aan diiwaangashneyn doontii uu watay shaqsigaan la dhashay Messi.

Garsooraha Maxkamada Argentina ayaa amray in la xiro walaalka Matias iyo Ignacio Carbone Sabtidii.

“Qoyska Messi waxa ay diideen jiritaanka hubka laga helay doonta, iyagoo sheeegay in macluumaadkani yihiin kuwo been abuur ah.

Warbixinnada maxalliga ahi waxay sheegayaan in haddii lagu helo dembiga lagu heysto Matias uu la kulmi doono ilaa lix bilood oo xabsi ah.