Qarax ka dhex dhacay xarunta Villa Baydhabo ee Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya xarunta Villa Baydhabo ee ciidanka Xoogga dalka Somaliyed, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhex dhacay qarax.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu leeyahay Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo gaarigiisa ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo.

Gaadiidka yar yar ee ay leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya, badanaa lama baaro, waana mida sababtay qaraxan oo gaari ku dhagan inuu dhexgalo Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi gaari ee ka dhex dhacay Xarunta Villa Baydhabo oo ah goob amnigeeda si wayn loo adkeeyo.

Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xiray.