Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal oo uu ku sugan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali ayaa waxaa la filayaa iney maanta tagaan wakiilo ka socdo beesha caalamka.
Danjirayaal Soomaaliya kusugan oo matalaya dalal badan oo caalamka ah ayaa la filayaa iney maanta tagaan magaalada Garowe si ay kaga qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Garowe.
Shirkaasi ayaa waxaa la doonayaa in maamulka Puntland looga dhaadhiciyo aqbalida nidaamka doorashada dalka oo ay isku raaceen dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.
Wakiilada tagaya magaalada Garowe ayaa la filayaa iney la kulmaan madaxweynaha maamulka Puntland iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo kusugan magaalada Garowe.
Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah


