DHAGEYSO: Galmudug oo sheegtay iney ajaaniib ku hareereysan yihiin

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ee ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa wasiirka warfaafinta Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamo ajaaniib ah oo badan ay qeyb ka ahaayeen Alshabaabka la dagaalamay ciidamada maamulka Galmudug, sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in ciidamada Galmudug ay ku hareereysan yihiin ajaaniibta ka tirsan ciidamada Alshabaab ee kusugan Mudug.