Wafdi balaaran oo ka socda Beesha Caalamka ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxa ayna hadda shirar la leeyihiin Madaxweynaha Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas, iyadoona aan la aqoon waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.
Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee urur gobeedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa soo gaaray Garowe, wafdiga waxaa ka mid ah safiirka Somalia ee Kenya, wakiilka IGAD ee Somalia
Waxaa lagu soo dhaweeyay madaxtooyada, waxayna kullan saxaafadu dibadu ka joogto wada qaadanayaan Madaxda Puntland, IGAD iyo R/Wasaraha Somaliya , Waxaa laga wada hadlayaa arrimo badan oo looga hadlayo Hanaanka doorashada Soomaaliya Iyo 4.5
In-kastoo aan la ogayn waxyaabaha kasoo bixi doona shirka hadda ka socda madaxtooyada Garowe, hadana waxaa la filayaa goordhow inay dhinacyada shiraya la hadlaan warbaahinta is ay uga warbixiyaan arimihii ay kawada hadleen.


