Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa Goor dhow soo gaaray Muqdisho , waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga ayaa hordhac u ah Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Turkiga oo bishaan imaanaya Soomaaliya.

Inta uu joogo Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro mashaariic ay ka hirgelisay dowladda Turkiga Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka Arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar.