Wararka naga soo gaaraya degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo gaari watay ay wareereen Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Kooxaha Hubeysan ayaa waxa ay xabado ku fureen Gaari uu saarna Mas’uul ka tirsanaan Wasaaradda Maaliyadda oo lagu magacaabo Cabdi Dheere.
Weerarka ayaa ka dhacay Agagaarka Saldhiga degmada Wartanabadda.
Sidoo kale waxa ay dhaawaceen labo qof oo la sheegay in ay ka shaqeynaayay Wasaaradda Maaliyadda.
Shaqaalaha ayaa la sheegay in ay la socdeen Gaari yar.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net


