Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya, maamulka gobalka Banaadir iyo maamul goballeedyada dalka.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay xoghayaha joogta ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahima, waxaa kaloo qeyb ka ahaa maamulka gobalka Banaadir iyo wasiiradda arrimaha gudaha ee maamullada dalka sidda Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga Kismaayo gaaray ayaa la sheegay in ay ka qeyb gali doonaan shir looga hadlayo sidda ay u wada shaqeen lahaayeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo fedaraalka iyo wasaaradaha maamul goballeedyada dlaka.
Shirkaas ayaa la sheegay in maalmaha soo socda uu ka furmi doono magaalada Kismaayo.







