Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland ayaa waxaa Maanta soo gaaray Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al Qahtani.
Wafdiga ayaa waxaa Magaalada Hargeysa ku qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan.
Dr. Mutlaq al Qahtani ayaa la sheegay inuu ku soo jeedo Muqdisho, lana filayo inuu Beesha Caalamka la kulmo iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.




