Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa Maanta oo Arbaco ah socdaal aan horay loo sii shaacin kusoo gaaray Wafdi ka socda Dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalkaas Axmed Shide.
Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa,waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliland, iyada oo loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Gudaha Magaalada Hargeysa.
Weli sidhab ah looma cadeyn u jeedka wafdiga ka socda Dowladda Itoobiya ee Maanta tegay Hargeysa,hayeeshee 19-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan ayuu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya tegay Hargeysa,waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland.
Maalma ka hor ayay aheyd markii wafdi ka socda Dowladda Masar ay tageen Magaalada Hargeysa,isla markaana ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland,waxaana labada dowladood ee itoobiya iyo Masar xilligaan ka dhaxeeya hardan ku saabsan Wabiga Nile.



