Hay’adda u dooda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ka digeysa halista uu Cudurka Coronavirus ku yeelan karo dadka Gudaha dalka Soomaaliya ay ku barakiciyeen dagaalada aan dhamaadka laheyn, abaaraha daadadka iyo Ayaxa dhawaan ku habsaday meelo kamid ah Soomaaliya.
Hay’addu waxaa ay sheegtay in 19-kii Bishaan tirada laga helay Cudurka oo ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay aheyd 3,119 oo badi ku nool Gobolka Banaadir oo ay ku yeellaan Xerooyin ay ku jiraan qiyaastii Nus Malyuun Ruux oo barakacayaal ah,kuwaas oo ay u dheer tahay in si qasab ah xeryahooda looga kiciyo oo mar labaad ay sii barakacan.
Cabdullaahi Xasan oo kamid ah Cilmi baarayaasha Hay’adda u dooda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegay in dadka ku barakacay gudaha Soomalaiya ay yartahay helitaankooda waxyaabo ay kamid yihiin Biyaha, Raashinka iyo Agabyada nadaafada oo hadii la waayo ay Cuduro ka dhex dhalan kartaa.
Waxaa uu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen oo ay ku wareysteen in ka badan 30 qof oo ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo sidoo kale ay qiimeyn ku sameeyeen warbixino ay qoreen hay’adaha UN-ka,kuwaas oo laha dheehan karo dhibaatoyinka heysta dadka Barakacayaasha ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay hadii aysan awoodin gargaarida iyo u gurmashada dadka barakacayaasha ay codsi u dirtaan Hay’adaha caalamiga ah si dadkasi ay uga badbaadaana cudurada halista ah ee socda.
Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku barakacay dad lagu qiyaasay Nus Malyuun qof, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan Xerooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadaeeda iyo sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolada dalka.



