Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano PSF-ta Puntland ayaa waxaa la sheegay in howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee Gobolka bari, halkaas oo ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka sigaar ah looga fuliyay deegaannada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari,isla markaana dagaal deegaannadaasi ka dhacay ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish.
Sidoo kale howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in dadka lagu dilay uu ku jiray sarkaal sare oo ajnabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka kale,Soomaaliyana joogay ilaa 2014-kii sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay.
Ugu dambeyn Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaan ay ku bur buriyeen Xarun keyd u aheyd Daacish oo ay dhigan jireen waxyaabo ay kamid ahaayeen raashin aad u faro badan,daawo,rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,hayeeshee ma sheegin khasaaro dagaalkii dhacay kasoo gaaray Ciidamada Puntland.
Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish,waxaana Puntland ay sheegtay in Buurahaas laag soo abaabulay weeraro dhowr ah oo ka dhacay Gobolka Bari.



