Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada kumeel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka sicda Qaramada Midoobsy.
Wafdiga oo uu hogaaminayey Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Atul khare ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Madaxweyne Laftagareen ayaa warxbixin guud ka siiyey wafdiga xaalada guud ee deegaanadda koofur galbeed , asigoo sidoo kale xusay horumaradda laga sameeyey dhanka Arrimaha Bulshada.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday in Maamulka Koonfur Galbeed ay ka caawin doonaan dhinacyo badan, isla markaana ay xoojin doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin.