Kabtanka xulka Ingiriiska: Ma tihiin tageerayaasha England, mana idin rabno

Kabtanka xulka Ingiriiska Harry Kane ayaa ka hadlay midabtakoorka ka dhanka ah saddexda ciyaartooy Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka.

“Ma tihiin tageeraayasha England, mana idiin rabno” ayuu yiri Kane oo u jawaabayay dadka ka dambeeyay falalkaas.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay mudan yihiin in la taageero balse ma ahan in lagula kaco cunsurinimo”

“Haddii aad qof ku xadgudubto adiga oo isticmaalaya baraha bulshada ma tihid taageere England mana ku dooneyno .” Ayuu raaciyay.