Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo caawa xiran

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa isgoyska KM4 ilaa isgoyska Banaadir ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ammaanka ay hakiyeen isu socodka labadaasi Isgoys.

Ciidamo Boolis ah oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa galabta lagu daadiyay wadooyinka Isgoyska KM4 ilaa isgoyska Banaadir, sidoo kale waxaa xiran wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo mida aada Afasiyooni.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa in la xiro wadooyinkan, Gaadiidka dadweynaha ayaa isticmaalaya wadooyinka qardajeexa ee xaafadaha ka akdhow wadooyinkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya sababaha wadooyinka loo xiray in ay tahay in berri Muqdisho ay ku soo wajahan yihiin wafdi ka imaanaya dalka dibaddiisa.

Sawirro caawa laga soo qaaday wadooyinak xiran ee Muqdisho ayaa muujinaya wadooyinka oo haawanaya, shacabka Muqdisho qaarkood ayaa goor sii horeysay oo caawa ah waxa ay ku xaroodeen guryahooda.