Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa Saakay xiran xilli maanta lagu waddo in kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya uu furo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Isgoysyada Howlwadaag iyo Taraboonka ayaa ka mid ah Meelaha xiran.
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay maalaaya lugahooda maadaam wadooyinka ay xiran yihiin.
Magaalada Muqdisho kuma cusbaa in Shirarka Baarlamaanka loo xiro wadooyinka.


