Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo maanta furmaya

Waxaa maant lagu wadaa in dalka Turkiga uu dib uga furmo wadahadaladii u dheexyey dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka la magac baxay Soomaaliland.

Wada-hadalada ayaa lagu wadaa in ay ka furmaan magaalada Stanbul ee dalka Turkiga  ,waxaana looga hadlaayo qodobo ay ka mid yihiin midnimada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah dowladdaha taageera dowladda Soomaaliya ayaa hogaamineysa wadahadalada u dheexaya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirka waxaa ka qebgalaya ergooyin kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland,waxaana sidoo kale wararku qaar sheegaya in ay goobta imaan doonaan dowlado ka socda dalalka carabta.