DHAGEYSO: Xilidhibaan ka tirsan Kenya oo ka hadlay xiritaanka xeryaha qaxootiga

Xilidhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo laga soo doorto gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan marnaba ka laaban doonin  go’aanka ay ku dooneyso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Ilyaas Barre Shiil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  amnig dalka Soomaaliya uu wanaagsan,islamarkaana dadka qaxootiga ah loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celiyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu soo celin doono Soomaaliya qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.