Waa Sidee Xaaladda C/raxmaan C/Shakuur oo maalintii Labaad Muqdisho ku xiran?

Waxaa Maalintii labaad ku xiran Magaalada Muqdisho Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ciidamada Ammaanka ay soo xireen ka dib howlgal ay ka fuliyeen Gurigiisa.

Xildhibaano ka tirsan dowladda , Waxgarad iyo sidoo kale Siyaasiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu soo deynaayo Cabdiraxmaan.

Xildhibaano loo xilsaaray Kiiska Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Madaxda ugu sareysa dalka, waxaana ay kala hadleen sidii loo deyn lahaa.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Guddiga loo xilsaaray Kiiska Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Xarunta Habar Khadiijo  ku booqday Sida ay u soo arkaan Xaaladiisa Caafimaad.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Booqday Cabdiraxmaan ayaa u sheegay Warbaahinta in ay soo arkayn Maxbuuska Islamarkaana ay xaaladiisa wanaagsan tahay, waxa ay sidoo kale sheegeen in uu ku jiro gacan amaan ah iyo meel wanaagsan oo aan la gilin Xabsi balse ay ka maqan tahay Xuriyadda oo kaliya.

Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Cabdiraxmaan in uu abaabulaayay falal ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.