Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Baraawe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, dabley hubaysan ayaa xalay waxa ay ku dileen Degmadaasi Nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka ayaa wararka waxa ay sheegayaan in gurigiisa ay ugu tageen rag hubaysan, kadibna ay kala baxeen oo ay ku dileen meel ku dhaw hoygiisa.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in rag Shabaab ka tirsan ay dileen Nabadoonkaasi oo magaciisa la oran jiray Maxamed Aadan oo ku magac dheer (Caamir Muuse).

Ragga dilka gaystay ayuu sheegay inay Magaalada meel ka baxsan ay ka yimaadeen, kadibna markii ay dileen Nabadoonkaasi ay carareen.

Raadka ragga dilka gaystay ayuu sheegay inay dabagaleen ciidamada ammaanka oo ay ku rasaaseeyeen duleedka Degmada Baraawe, inkastoo aanan lagu guuleysan soo qabashada raggaasi.

Nabadoonka la dilay oo si wayn looga yaqaanay Degmada Baraawe ayaa wuxuu ahaa nin codkar ah oo ka dhiidhiya dhibaatooyinka kala duwan ee loo gaysto shacabka ku nool Degmada Baraawe.