USA oo liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow

USA-RisaalaFM- Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee ururka Al-Shabaab.

Warkan waxaa VOA-da u xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, taasi oo shaacisay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa xilal badan ka soo qabtay Al-shabaab, waxaana ka mid ah xilalkii uu soo qabtay Hoggaamiye ku xigeenkii Al-Shabaab iyo sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxa ay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan Shan Milyan oo Dollar, sanadkii 2012-kii, xilligaasi oo Shabaab ay iclaamiyeen in ay ku biireen Al-Qaacidda.

Waxaa la hadal hayay dhowaanahan inuu wada hadalo hoose kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin warkan sheegaya in liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa aad u hadal heya warkan ka soo yeeray Waaxda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka, taasi oo dadka falanqeeya arrimahan ku noqotay layaab.