Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa ka shaqeeyay sidii Mesut Ozil uu dib ugu soo laaban lahaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ka dib markii uu dhaliyay mid kamid ah goolasha Gunners kaga badisay Newcastle United.
Ozil ayaa daqiiqadii 58aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxdiisa oo markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-17 laba guul oo xiriir ah banaaanka kusoo gaartay.
Granit Xhaka ayaa shabaqa soo taabtay, kadib markii uu laad xor ah ku daah furay goolasha kooxda Arsenal.
Ciaran Clark oo bedel kusoo galay ciyaarta ayaa kooxda Newcastle u dhaliyay goolka kaliya ee garoonkooda ku dhaliyeen.
Markii la weydiiyay haddii Arsenal ay ka faa’iideysan doonto go’aankii uu ciyaaryahankii hore ee xulka Jarmalka kaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah, tababare Emery ayaa yiri: “Waa hab cusub oo aan kaga faa’ideysan karno isaga.
“Waxaan dooneynaa qaab ciyaareedkiisa tababarka iyo kulan kasta inuu joogteeyo, isagu wuxuu nasiinayaa tayadiisa ugu fiican, waxaan sidoo kale aan dooneynaa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa inaan helno.



