Uefa oo Ku Dhawaaqday in tartan sedexaad laga bilaabi doono qaarada Yurub

Xiirika kubadda cagta ee yurub ayaa waxay durba bilaaween in ay ka baaraan dagaan qaabki ay iskaga mashquulin lahaayeen kooha ugu waaween horyaalada kubaas oo qorsheenaaye in ay sameestaan tartan cusub oo ay kaga maarmi karaan tartan-ka Uscl-ka.

cabsi weyn ayaa soo food saartay xiriirka kubadda cagta Uefa kubaasoo ka war qaba dhibaatada ka imaan karta hadii ay kooxha sameestaan tartan cusub oo ka sareeya midka ay haatan ciyaaraan.

kulankii shalay ka dhacay magaalada dublin ayaa waxaa shaaca looga qaaday in tartan cusub ay bilaawi doonto Uefa marki la gaaro sanada 2021-2024 ” tartan kaan waxa uu yeelan doonaa kulamo badan oo ay ciyaari doonaan kooxo badan oo ka kala socda xiriiro kala duban” ayuu sheegay madax weynaha Uefa Aleksander Čeferin.

Magaca tartankaan uu yeelan dooona ayaa la isku waa faqay waxa uu noqon doona UEFA Europa League 2 ( UEL2).

Qaabka tartanka ayaa noqon doona mid la mid kuba ka jira qaaradda yurub waxa uuna yeelan doonaa heer groupyo oo ka kooban ilaa sideed group oo ay ku jiraan ilaa afar kooxood waxaa loo soo gudbi doonaa wareega 16-ka kadibna Querter final, sami-fanal ugu dambeen Final.

ka hor int aan loo gudbin wareega 16-ka waxaa jiri doonaa ciyaar bug bax ah oo dhax mari doonta kooxda kaalinta labaad ka gashay UEFA Europa League 2  iyo  kooxda kaalinta sedaxaad kaga soo harta UEFA Europa League midka haatan ay kooxaha ciyaaraan.

Tartanka waxa uu yeelan doonaa 141-kulan waxana la ciyaari doonaa 15-isbuuc.

kooxda ku guuleesata tartankaan ayaa waxay xilli ciyaareedka xiga si toos uga soo qeyb gali doontaa tartanka UEFA Europa League.