Kumanaan shacab ah ayaa maanta ku lugeynayay waddooyinka gala bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii gawaarida dadweynaha laga mamnuucay inay ka howlgalaan faras-magaalaha Nairobi.
Toddobaadkii dhaafay ayay aheyd markii maamulka magaalada uu shaaca ka qaaday in gawaarida dadweynaha aysan rakaabka dhigi karin bartahama caasimadda isla markaasna ay dhigaan goob loo asteeyay oo ka baxsan faras-magaalaha.
Dowladda hoose waxay sheegtay in tallaabadan ay uga golleedahay yarenta saxmadda ka jirta magaalada oo ay ka howlgalaan in ka badan 20,000 oo ah gawaarida dadweynaha.
Dadka kasoo horjeeda tallaabadan ayaa ku anddacoonaya in goobaha loogu talagalay gawaarida dadweynaha aysan qaadin karin baaburta faraha badan.



