Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Deeq gar gaar ah oo ka timid dalka Turkiga.
Wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaana deeqdan ka gudoontay dowladda Turkiga.
Waxaana deeqdan ay tahay mid gar gaar ah oo loogu talagay dadka ay saameeyeen Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Dekada Muqdisho ayaa sheegay in gar gaarkan uu yahay mid wanaagsan sidoo kalena Soomaaliya ay ubaahneed.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gar gaarkan ay si deg deg ah ku gaarsiin doonto dadka ay saameeyeen abaaraha.
Gobolada qaar ee dalka ayaa waxaa ku dhuftay abaaro baahsan iyo sidoo kale fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle.


