Turkiga oo Muddo kordhin U Sameeynaya Ciidamadda u jooga Xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas

Ciidamadda  Ilaalada xeebaha Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas ayaa muddadoodu waxay ku ektahay 10-ka Febraayo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa mooshin lagu kordhinayo muddada joogitaanka Ciidanka Turkiga ee Xeebaha Soomaaliya  iyo Badda Cas u gudbiyay baarlamaanka Turkiga, sida ay qoreyso wakaaladda wararka Aanadolu.

Baarlamaanka  dalka Turkiga haddii uu  Meelmariyo aeintaan waxay noqon doontaa markii 14-aad ee muddada loo kordhiyo ilaalada xeebaha Tukriga ee ku sugan Badda Cas ,Muddo halsano ah .

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo Xuutiyiinta Yemen ay dhowr weerar ka geysteen Badda Cas.