Dawlada Itoobiya oo ka cago jiiday ka qayb galka Shirka Urur goboleedka IGAD

Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya  ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ka cdur daaratay in ay dawlada Ioobiya ay ka qayb galayso shirka  Urur Goboleedka IGAD ee ka beri ri qabsoomaya Magaalada Kambaala ee Caasimadda dalka Uganda  islamarkaana looga hadlayo Xiisada  Soomaaliya iyo Itoobiya ee Arimaha badda .

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya loona diray Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in Dawlada Itoobiya aysan ka so qayb gali karin shirka arimo u gaar ah oo ay ku mashquulsan tahay darteed.

Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa la filayay in 18 bishan oo beri  ku aadan uu ka furmo dalka Uganda balse  Dawlada Itoobiya ay diiday ka qayb galka shirkaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle islamarkaana ah madaxa Urur goboleedka  IGAD ayaa kulan deg deg ah isgu yeeray  madaxda IGAD kaas oo loogarinsanayo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya .

Halkaan ka Akhriso warka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya ay ka cudurdaaraday in Itoobiya ay ka  qayb gasho shirka IGAD.