Miinsaaniydda Dawlada oo gaartay in ka badan Hal $ bilyan

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowladdu horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.

Sanadkan Miisaaniyadda dowladda ayaa korortay 13%, Halka daqliguna kordhay sanadkii tagay ee 2023 25%, waxaana ay ku timid ka go’naanta hoggaanka dowladda ee dib u habeynta Maaliyadda