Trump oo baajiyey ballan uu la lahaa Kim Jong-un

President Donald Trump speaks before signing an Executive Order at the Treasury Department, Friday, April 21, 2017, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhankiisa baajiyay kulan madaxeedkii qorshaysnaa ee la filayey inuu bisha dambe la yeesho hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un.

Warqad uu u diray Kim ayuu Trump ku sheegay in aanay haboonayn inuu kulankaa la yeesho, waxaanu ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay carada xoogga leh iyo colaadda muuqata ee uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku muujiyey hadalladii dhawaan ka soo soo baxay.

Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay xeradii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin heshiis oo ay dhabbaha ugu xaadhaysay shirmadaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.

Maamulka Trump waxa uu ku nuuxnuuxsanayey maalmihii la soo dhaafay in Kuuriyada Woqooyi aanay si waafiya ugu diyaar garoobayn shir madaxeedkaas taas oo qudheedu abuuraysay shaki ah in kulanku hadiiba uu dhaco ay waxa togani ka soo bixi doonaan.

Maalmihii u dambeeyay labada dhinacba waxay ka digayeen in laga yaabo in dib loo dhigo amaba la baajiyo kulanka ay Trump iyo Kim u ballansanaayeen 12-ka Juun.

Pyongyang ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay ka fiirsan doonto kulanka haddii uu Maraykanku ku adkaysto in Kuuriyada Woqooyi oo keli ahi tanaasusho oo ay tirtirto hubkeeda nukliyeerka ah.