Trump oo amray in aad loo baaro dadka Maraykanka Soo galaya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu saraakiisha xuduudaha u sheegay in ay si taxadar leh u baaraan dadka galaya dalka, iyadoo uusan wali shaqaynaynin mamnuucitaaankii socdaalka ee uu soo rogay.

Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan “mid adag” ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan haddii uu dhib dhaco.

Maalintii sabtida ayay maxkamadda Racfaanka faderalka waxay ku gacan seyrtay codsigii maamulka Donald Trump uu ku dalbanayay in dib loo soo celiyo xanibaadii socdaaalka ee uu saaray dalalka qaar.

Xanibaadan oo saameeyneysay dadka ka imaanayaa toddobo dal oo muslimiintu ay u badan yihiin ayaa maalintii Jimcaha waxaa is hortaagay xaakim Mareykan ah.

Taasi oo micnaheedu tahay in amarkii Trump hakad la geliyay iyadoo dadka sita dal ku galka ee ka soo jeeda dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman loo ogolaaday in ay soo galaan Mareykanka inta kiskaasi si buuxda looga dhageysanayo.

Aqalka cad iyo labo gobol oo ka horyimid go’anka ayaa kama dambays loo qabtay malinti Isniinta ah si ay usoo gudbiyaan doodahooda.