Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Lixdanaad ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ay ka sameeyeen gobolada Baay iyo Bakool.
Taliyaha ayaa sheegay intii ay socdeen howlgalladaas in ay soo qabteen Amiiro ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Ibraahim Aadan Yarow Taliyaha Qeybta Lixdanaad ee xoogga dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Amiiradaasi ay hadda ay ku jiraan gacanta ciidamada dowladda , islamarkaana dhawaan sharciga lo horkeeni doono.
Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in ay hakad galeen howlgalladii ka socday Baay iyo Bakool Sababo la xariira doorashada madaxweynaha.


