Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa Risaala u sheegay in Askari ka tirsan ciidamada badda Puntland ee (PMPF) uu toogasho ku dilay laba askari oo kale,kuwaasoo kala tirsanaa ciidamada.
Askariga dilka u geystay Askarta ayaa la sheegay in ay murmeen ka hor dilka, waxaana la sheegay in uu rasaas ku furay.
Askarta ayaa ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taalla Bartamaha Boosaaso, waxaana la sheegay in uu baxsaday ruuxii dilka geystay ,islamarkaana ay ku daba jiraan Hay’addaha Ammaanka maamulka Puntland.
Ilaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka badda Puntland ee(PMPF) oo faahfaahin looga bixiyay dhacdadaasi.



