Ku dhawaad 50 qof oo ku dhimatay dabka ka Socda California

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California.

Ugu yaraan 50 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka Califronia.

Dabeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay inay sii hurinayaan dabkan.

Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan degaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles.