AKHRISO- Thaabit oo ka hadlay xilka qaadistiisa

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay, kadib hadal uu siiyay warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Thaabit ayaa marka hore sheegay inuu aqbalay xilka qaadistii xalay uu saakay ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.laahi Maxamed Farmaajo, si nabad ahna uu xilka u wareejiyo, uuna magacaabi doono guddi ka shaqeeya Munaasabadda xil wareejinta.

Wuxuu sheegay khilaafka beryahan taagnaa inuu ka dhashay laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho.

Thaabit ayaa Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow ugu hambalyeeyay xilka cusub, wuxuuna ku baaqay in xayiraadda laga qaado xarunta Aqalka Dowladda Hoose, isaga oo shacabka ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadgelyada.

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa xalay la wareegay ciidanka ilaalada Madaxtooyada, iyaga oo saakay in ay shaqo tagaan u diiday shaqaalaha Dowladda hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay Guddoomiyaha cusub ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow iyo Afar ku xigeenadiisa.

Xilka qaadista Thaabit ayaa soo dadejisay kadib markii xalay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo dad kale oo la isku wacay ay sheegeen in Thaabit ay u doorteen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota.