Muqdisho-RisaalaFM- Tartanka Qur’aan Akhriska (15-ka jus) waxaa ka qeyb galay dhalinyaro isku jira wiilal iyo gabdho waxaana maalgelinayay Bankiga Salaam Somali Bank, iyadoo maanta lagu wado in la abaalmariyo Ardada kaalmaha 1-aad ilaa iyo 4-aad ka kala galay Tartanka.
1-aad $ 400
2-aad $ 300
3-aad $ 200
4-aad $ 100
Tartanka Qur’aan Akhriska Gabdhaha (30-ka jus) waxaa maalgeliyay Shirkadda Waberi Jumbo Company waxaana la gudoonsiin doonaa tartamayaashii kaalmaha 1-aad ilaa iyo 3-aad ka kala galay Tartanka abaalmarin lacageed
1-aad $ 500
2-aad $ 400
3-aad $ 300
Tartanka Qur’aan Akhrisaka Caruurta Da’doodu ay ka yartahay 6-da sano oo ay ku tartameen 1-ka Jus waxaa maal galiyay Rugta Isku daweynta Qur’aanka Kariimka iyo Sunaha ee Ibnu Qayim Al-jowzi.
Tartanka ayaa lagu wadaa in maata lagu soo gaba gabeeyo xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala waxaana abaalmarin Lacageed la gudoonsiin doonaa 3-da Arday ee kaalmaha hore ka galay Tartanka.
1-aad $ 100
2-aad $ 70
3-aad $ 50
Tartanka Shareecada Diiniga Idaacadda Risaala oo sanadkan ay maalgalisay Ibnu Qayim Al-jowzi ayaa sidoo kale qeyb ka ah Tartamada xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala maanta lagu soo gaba gabeyn doono, iyadoo abaalmarino lagu gudoonsiin doono 3-da Arday ee kaalmaha hore ka galay tartanka.
1-aad $ 100
2-aad $ 70
3-aad $ 50
Tartan Aqooneedka degmooyinka Idaacadda Risaala oo sanadkan ay maal galisay Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa waxaana abaalmarino qaali ah la gudoonsiin doonaa Labada degmo ee kaalmaha koowaad iyo Labaad ka kala galay tartanka.
1-aad $ 1,500
2-aad $ 1,000


