Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa kulan ku yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Taliyaha Nabad sugidda, Booliska, Millitariga iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Dhinacyadan ayaa kulankooda si gaar ah waxa ay uga hadleen ammaanka dalka gaar ahaan sugidda amniga Muqdisho, oo maalmihii ugu dambeeyay dilalka ay ka noqdeen kuwo joogto ah.
Taliyeyaasha ayaa soo hadal qaaday dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmooyinka qaar Muqdisho, kuwaasi oo inta badan lagu qaarijiyay Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda, waxyna sheegeen in wax laga qaban doono.
Dhanka kale Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isku raacay in guud ahaan Magaalada Muqdisho laga saaro Ciidanka Millitariga Dowladda Federaalka oo dhowr jeer dilal ugeystay dad shacab ah, sugidda amnigana loo daayo Nabad sugidda iyo Booliska.
Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan Millitariga ayaa shalay Qof shacab ah oo watay Gaari nuuca raaxada ah waxa uu ku dilay Laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ku geeryoodey.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo arrintan ka jawaabaya ayaa Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka ku amray in cadaalada la waafajiyo Askarigii dilkaasi geystay.