Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa Xukun ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa Shabaab, kuwaas oo Xukuno kala duwan lagu riday, waxaana Xukunka Maxkamada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdi Fataax Xaaji Aadan.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Puntland ayaa qaaday kiiska la xariira labo askari oo kamid ahaa Ciidamada Puntland oo horey dil ugu geystay nin shacab ah, waxaana Maxkamaddu ay dhageystay gal dacwadeedka Askartan.
Dadka Xukunka lagu riday ayaa kala ahaa;-
Cabdi Waaxid Macalin Axmed 22jir 10sano oo xarig ah.
Maxamed Cali Xusseen 22jir 10sano oo xarig ah.
Yaasiin Maxamed Cabdi Ciise 39jir 10sano oo xarig ah.
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Bare 19jir 10sano oo xarig ah.
Ibraahim Yuusuf Muxiyadiin 17jir 10sano oo xarig ah.
Maxamed Cabdiqani Xassan 33jir 10sano oo xarig ah.
Maxkamada ayaa sido kale Xukun dil toogasho ah ku riday laba Askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaas oo dil ka geystay degmada Qandala.


